Borama News Network
Somali News

Madaxda Dawlada Somaliya Oo Shuruud Ku Xidhay Siidaynta Wasiir Janan Oo Ku Xidhan Muqdisho

Guddi ka socday maamulka Jubbaland iyo Waxgaradka Gedo oo la kulmay Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay Shuruudo ka yimid dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaasoo looga baahan yahay Jubbaland in ay fuliso si loo sii daayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan .

Axmed Maxamuud Cumar, Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Madaxa Banaan Xaduudaha Iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen Mas’uuliyiinta dowladda laakiin laga dalbaday Shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo Wasiir Janan.

“Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar.

Waxaa sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubbaland.

“Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubbaland”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Axmed ayaa Risaala u xaqiijiyay Warkaan, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono Wixii dhibaato ah oo ka dhasha xariga Wasiirka, maadaama dadka degaanadaasi lagu waddo kala qeybin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DEG DEG: Madaxwaynaha Dawlada Fadaraanka Somaliya Oo Ka Tanaasulay Baasaboorkiisii Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Oo Si Adag U Dhaliilay Tayada Waxbarashada Ee Dugsiyada Dawlada

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Ka Mid Golaha Deegaanka Ee Borama Oo Si Adag Ugu Jawaabay Siyaasi Cabdilaahi Jawaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy