Borama News Network
Somali News

Madaxwayne Biixi Oo Qaabilay Safiirka Uk Ee Somaliya Iyo Arinta Wadaha Hadalada Somaliya Iyo Somaliland Oo Ay Ka Wada Hadleen + SAWIRO

-

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo gaaray Hargeysa.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirka Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira a xoojinta xiriiraka Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ballaaran ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xiriirka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.

Dhankooda, waxa ay wefdigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka.

Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxiixdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxiixdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Somaliland.

Related posts

Dib U Milicso Maxamad Kaahin Oo Madaxwayne Daahir Rayaale Ku Canaanaya Dhaliilo Uu Hada Kornayl Biixi Dhex Gadhiyo

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Somali State Cabdi Ilay Oo Dambiyo Cusub Lagu Soo Oogayo Iyo Siday Wax U Jiraan

Bnnstaff Bnnstaff

Kornayl Caare Oo Mar Kale Hanjabaad Culus Diray Kuna Dhawaaqay In Uu Dagaal Qaadayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy