Borama News Network
Somali News

Muqdisho:- Sargaal Ka Tirsan Ciidamada Boolisk Oo Miino Loogu Xidhay Gaadhigiisa Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Dekadda ka dhacay Qarax gaadhi Noociisu yahay SURF loogu xidhay sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana sargaalka la sheegay in qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaadhay.

Sida wararku sheegayaan Jeneraalka ayaa lagu magacaabaa Maxamed Dhoore, waxaana qaraxa gaadhiga loogu xidhay uu dhacay Xili uu ku sugnaa Xarun shidaal uu ka qaadanayay, oo ku taal degmada Xamar Jajab.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaadhay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen dhaawaca sargaalka iyo askari la sheegay inuu ilaalo u ahaa sarkaalka dhaawacmay.

Booliiska ayaa sidoo kale wada baadhitaano ku aadan qaraxan haleelay gaariga sarkaalka booliiska, waxaana dab xoogan uu qabsaday Kaalinta Shidaalka ee Qaraxu ka dhacay.

Inta badan qaraxyada lagu xidho gaadiidka gaarka loo leeyahay ayaa ka mid ah falalka qorsheysan ee Alshabaab wax ku disho, kuna ugaadhsato Mas’uuliyiinta, Shaqaalaha iyo saraakiisha Ciidamada ee ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Raysal Wasaare Khyre Oo Tacsi Ugu Tegay Qoyskii Qaraabadii Marxuun Eng Yariisaw

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Yaabka Oday Wiilkiisii Madax Ka Toogtay Iyo Sobobta Ku Kaliftay In Uu Wiilkiisa Dilo Oo Uu Sheegay

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Hindiya Oo Lagu Soo Eedeeyay In Ay Jidh Dil Xoogan Kula Keceen Shacabka Ku Nool Gobolka Kashmiir

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy