Borama News Network
Somali News

Raysal Wasaare Khyre Oo Ku Waajahan Degmada Xudur Iyo Amniga Degmadaasi Oo La Adkeeyay

Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka guud ee Degmada xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo lagu wado in saacadaha soo socda uu halkaasi tago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo haatan ku sugan Magalada Baydhabo.

Gudaha degmada Xudur ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & kuwa AMISOM oo siweyn amniga u adkeynaya,waxaana sidoo kale Wadooyinka degamadaasi la suray booray lagu dhejiyay Sawirka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in degmada Xudur ay gaaraan wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,kuwaas oo diyaarinaya soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago degmada Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Warbixiyay Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Ucid Dhaliilo Culusna U Jeediyay Salaadiinta Dhaqanka

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO: Madaxeyne Biixi Oo Afkiisa Ka Qirtay Inuu Dhac iyo Boob Hanti Shacab Sameeyay

Amiin

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Donald Trump Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Qaatay Kulankii Taalibaan Iyo Afganistaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy