Borama News Network
Somali News

Ciidamada Somaliland Oo Dad Shacab Ah Ku Xidhxidhay Magaalada Laascaanood Iyo Waxyaabaha Loo Xidhay

Wararka naga soo gaaraya Magalada laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Soomalailand ay Xabsiga dhigeen tira dad ah oo ka mid ah dadka ku nool Magalada laas-Caanood.

Dadka la xiray oo tobaneeyo kor u dhaafaya ayaa waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dagaal shalay kala horyimid Ciidamada Soomaaliland oo wada howlo burburin ah,kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dadka la xiray oo isugu jira rag iyo Dumar ay xalay ku hoydeen Saldhiga Booliska Magalada laas-Caanood,hayeeshee ay saldhiga tageen qaar ka mid ah Odayaasha laas-Caanood,balse ay ku guul dareesteen dadaalo ay ku doonayeen in lagu sii daayo.

Mid ka mid ah Waxgaradka Magalada laas-caanood oo la hadlayay mid ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Puntland ayaa sheegay in mar walba ay dhibaato kala kulmaan Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Magalada laas-Caanood, isaga oo baaq u diray Madaxda Soomaaliland.

Si kastaba Magalada laas-Caanood ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Booliska Soomaaliland iyo dadka Shacabka ah oo maamul ahaan diidan Soomaaliland oo Magaaladaas maamusha,waxaana jirtay dhinaca kale dagaal beeleedyo ka dhacay Magalada laas-Caanood iyo tuulooyin hoostaga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Siyaasi Cumar Daahir Oo Si Adag Uga Hadlay Go’aanka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Iyo Cabasho Ka Soo Yeedhay Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

Bnnstaff Bnnstaff

Dalka Uganda Oo Shaacisay In Ciidamada Loo Soo Tobabaro Ay Dib Ugu Biiraan Ururka Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Ahlu Suna Oo Dhaqdhaqaayo Ciidan Ka Bilawday Gudaha Magaalada Dhuusa Mareeb Iyo Warar Ka Soo Baxaya Magaaladaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy