Borama News Network
Somali News

Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Diyaarinaysa Ciidamo Gaar Ah Oo Ka Hawl Gali Doona Maamulka Koonfur Galbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ay ku diyaarineyaa Ciidamo gaar ah oo ka qeyb qaata sugida Amniga deegaannada Koonfur Galbeed,kuwaas oo qaadanaya tababaro.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Baydhabo ayaa sheegay in Ciidamada haatan tababrada uga socdo deegaannada Koonfur Galbeed ay noqon doonaan Ciidamo Qaran oo ka gudba qabiil iyo Qoys qoys.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadaas ay noqon doonaan Ciidamo gaar ah oo qaba tababar casri ah,isla markaan ay qeyb weyn ka qaadan doonaan howlgalla lagu sugaya ammaanka ee ka socda dalka sigaar ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa uu sheegay xilli shalay uu booqasho ugu tegay Ciidamo tababar ku qaadanaya mid ka mid ah Xerooyinka ku yaalla Magalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Anaga Beelaha Ciidagele ayaa Nala yidhaa Walaladayo Beelaha Habar Yoonis iskuma Racsanin Qaran Dumis” Salaadiinta Ciidagale

Mustafe Haji

Madaxwaynihii Hore Ee Somali State Cabdi Ilay Oo Dambiyo Cusub Lagu Soo Oogayo Iyo Siday Wax U Jiraan

Bnnstaff Bnnstaff

Magicii Shirkada Kaluunka Ee Laasqoray Oo La Xaday Iyo Dalka Xaday Magaca Shirkada Laasqoray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy