Borama News Network
Somali News

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Mar Kale Shaaciyay In Ay Gabi Ahaanba Burbureen Wada Hadaladii Nabada Ee Afganistaan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay wadahadaladdii nabadda ee Afgaanistaan ee la doonayay in lagu dhameeyo dagaalka socday 18ka sano ay dhinteen.

“Sida aan ka walaacsanahayba, waa ay dhinteen,” ayuu u sheegay warbaahinta oo uu kula hadlay Aqalka Cad.

Sabtigii ayaa Trump waxaa uu baajiyay qorshe uu kula kulmi lahaa ergo ka tirsan Taalibaan kadib markii ay kooxdu qirteen in ay dileen Askari Mareykan ah.

Labadda dhinac ayaa waxaa ay u muuqdeen in ay isu soo dhawaaadeen in ay heshiis gaaraan , Ururka Taalibaanna waxaa uu sheegay in Mareykanku uu ku khasaarayo wadahadaladda baaqday.

Madaxweynaha Mareykanku waxaa uu sheegay in ciidanka dalkiisu kala soo baxayo Afganistaan ay tahay Siyaasaad Dibaddda ah oo muhiim ah, balse mar la weydiiyay 14,ooo in ay weli Afganistaan sii joogaan waxaaa uu ku jawaabay in ay kasoo baxayaan waqtiga ku haboon.

Bur-burka wadahaladda ayaa nijad jab ku ah Shacabka Afgaanistaan oo waxyeeladda ugu badan ay kasoo gaarto dagaaladda dhinacyadda hubeeysan u dhexeeya, waxaana mugdi galay rajadii ahayd in lasoo afjaro 18 sano oo colaad ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Waqooyi iyagaa Calanka Keenay Koonfur ….Madaxweyne Laftagareen Oo Ka Hadlay Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya

Mustafe Haji

DAAWO: Col. Caare Oo ka Hadlay Shaqaaqadii Ceel Afweyn iyo Wada-hadalka U Socda Isaga iyo Xukuumada Biixi

Mustafe Haji

Siyaasi Cumar Daahir Oo Si Adag Uga Hadlay Go’aanka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Iyo Cabasho Ka Soo Yeedhay Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy