Borama News Network
Somali News

Dawlada Somaliya Oo Wareejinaysa Hogaanka Shir Gudoonka Jaamacada Carabta Iyo Sobobta

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim.

Wasiir Cawad oo hadal kooban ka jeediyay Shirka Wasiirada Carabta ayaa sheegay in qadiyada falastiin ay ahaaneyso qadiyada koowaad ee wadamada Carabta ilaa iyo inta laga helayo dowlad madax bannaan oo falastiin leedahay Caasimadeeduna tahay Magalada Qudus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wadamada Carbeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa xiisadaha iyo qalalaasaha ka taagan wadamada Carbeed qaarkood,sida Libya,Yemen iyo Suuriya

Dhinaca kale isaga oo ka hadlayay Wasiir Cawad Arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay inay weli jirto qatarta waxa loogu yeero Argagaxisada deegaannada qaar,waxaana uu ugu baaqay dowladaha Carabta ay Soomaaliya u baahan tahay in laga taagero dib u dhiska lana fuliyo balan qaadyadii ay horay ugu sameeyeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Lix bilood ah ahaa Shir guddoomiyaha Golaha wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta,isaga oo guddoomiyay Shirar dhowr ah oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carbeed.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ruushka Oo Xabad Joojin Kagag Dhawaaqay Deegaanada Woqooyi Galbeed Ee Dalka Suuriya

Bnnstaff Bnnstaff

Dawlada Kenya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Kiiska Bada Ee Kala Dhexeeya Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Oo Warbaahinta La Hadlay Iyo Arimaha Uu Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy