Alshabaab Oo Ciidamo Kenyaan Ah Qarax Kula Eegatay Gudaha Dalka Kenya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaasi

Ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya ayaa waxaa qarax lagula eegtay deegaanka Haluuqa ee gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen kolonyo katirsan ciidanka Kenya, kuwaasi oo ku safrayay inta u dhaxaysa deegaannada Haluuqa iyo Galmagala ee gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in khasaaro uu ka dhashay qaraxa, inkasta oo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay khasaare kala duwan gaarsiiyeen ciidamadaasi Kenya ee ay qaraxa la beegsadeeen .

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kulamo Deg Deg Ah Oo Magaalada Dhuusa Mareeb Uga Socda Hogaanka Sare Ahlu Suna Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Bnnstaff

Shidaal Yari Soo Foodsaartay Somaliland Xili Ay Xukuumad Madaxwayne Biixi Sheegtay In Ay Shidaal Keenayso

Bnnstaff

Madaxweyne Farmaajo oo Xadhigga ka jaray taallooyinka Sayidka, SYL, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy