Boqortooyada Sucuudiga Oo Taageero U Balan Qaaday Somaliya Iyo Nuuca Ay Tahay Taageeradaasi

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee magaalada Paris ee dalka France kullan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta & Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre).

Kullanka ayaa intii uu socday waxa ay labada masuul uga wada hadleen sidii Sacuudigu uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kullan kaani uu ahaa mid muhiim ah islamarkan kullan kan lamid ah uu ka dhici doono Soomaaliya.

“Waxaan xaruunta UNESCO ee magaalada Paris (France) kullan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta & Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre), Waxaan ka wada hadalnay sidii sanduuqan uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya”. sidaas waxaa yiri Wasiir Goodax Barre.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Manu Aqoonsanin Somaliland Ee Midnimada Somaliya Ayaanu Ka Shaqaynaynaa” Madaxwayne Ku Xigeenka Jubaland

Bnnstaff

Xildhibaanad ilhan Cumar Oo Si Rasmi Ah Dawcwad Ay Ku Dalbanayso In Ay Ninkeeda Furto Ugu Gudbisay Maxkamad

Bnnstaff

Xogta Dahsoon:- Qaabka Uu Madaxwaynaha Turkigu Dhigisiisa Maraykanka Ugu Qanciyay Hawlgalka Uu Ka Falinayo Suuriya

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy