Ciidamo Ka Tiran Booliska Somaliya Oo Uu Tababar Uga Socda Dalka Turkiga Oo Soo Bandhigay Dhuulotus Cajiib Ah + SAWIRO

Magaalada İzmir ee dalka Turkiga waxaa Tababar ku saabsan la-dagaallanka argagixisada uga socdaa Qaar ka mid ah ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Tababarkan ayaa ku saabsan burburinta aasaasiga ah, sida miinooyinka dhulka lagu aaso, aaladaha waxyaabaha qarxa iyo qaababka wax ka qabashada, macluumaadka rasaasta, baadhista goobta dambiyada Qaraxa kadib, albaabada iyo darbiyada xaafadaha la degan yahay, aalado farsamo oo loo adeegsado la dagaalanka miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa.

Saraakiil ka tirsan Booliska Turkiga ayaa bixinaya tababarkan casriga ah, iyadoo horey Turkigu uu gudaha dalka iyo dibedaba ugu tababaray kumanaan askari oo qalabkoodu u dhan yahay, kuwaasoo haatan qeyb libaax ka qaadanaya howlgalada ka socda dalka.

Sooomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya Xidhiidh wanaagsan oo soo Jireen ah, Waxaan Turkigu uu Soomaalida oo kasoo kabanaysa Burburkii gaadhay u muujiyey Hiil-walaalnimo oo dhab ah.

Related posts

Heshiiska ay Gaadheen Uk iyo Midowga Yurub Ee Brexit

Mustafehaji

Madaxwaynihii Hore Ee Puntland Cabdi Wali Gaas Oo Ka Hadlay Arimaha Puntaland Iyo Somaliland

Bnnstaff

Dib U Milicso Qaabkii Maanta Oo Kale Muqdisho Looga Xusi Jiray 21 Octabar Maamlinta Kacaanka

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy