Ciraaq:- Toogasho Lagu Laayay Dad Banaanbax Dhigay Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Toogashadaasi

Ugu yaraan afar qof oo dibad-baxayaal ah ayaa toogasho lagu dilay ayada oo mudaaharaadyo xooggan oo ka dhan ah musuq-maasuqa iyo shaqo la’aanta ay ku baaheen magaalada ku taalla Koonfurta Iraq ee Amarah, sida ay maanta sheegeen ilo-amni iyo kuwa caafimaad.

Dibad-bax kale ayaa sidoo kale maanta lagu dilay gobolka Dhi Qar, halkaasi oo dhiigga ugu badan ee ka dhashay dibad-baxyada Ciraq uu ku daatay illaa iyo hadda, sida uu sheegay madaxa caafimaadka gobolka Abdulhussein al-Jaberi.

Dhimashada cusub ayaa tirada guud ee dadka dhintay tan iyo markii ay dibad-baxyada billowdeen saddex maalin ka hor ka dhigeysa 18, oo uu ku jiro sarkaal boolis.

Ra’iisul wasaraaha Iraq, Adel Abdel Mahdi ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucay dhaq-dhaqaaqa dadka laga billaabo 5:00 am, si uu u joojiyo dibad-baxyada sii kordhaya.

Booliska ka hor-tagga rabshadaha ayaa rasaas u riday hawada, si ay u kala ceyriyaan tobaneeyo qof oo isugu yimid fagaaraha Taxriir ee magaalada Baghdad ayaga oo jebinaya bandowga.

Dibad-baxayaasha ayaan ku faraxsaneyn adeegga dowladda ee liita iyo musuq-maasuqa.

Dibad-baxyada ayaa ah caqabaddii ugu horreysay ee weyn ee uu wajaho ra’iisul wasaare Abdul-Mahdi, oo dowladdiisa soo dhigay sanad ka hor.

Xafiisk Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Seeraar iyo Xidig Oo Ksmaayo lagu Caleema Saaray.

Mustafehaji

Aas Aasihii Jabhada Uu Hogaamiyo Kornayl Caare Oo Muuse Biixi Ka Hor Qirtay Aas Aaskii Jabhadaasi Daawo Waxa Dhacay

Bnnstaff

Ganacsatada Saylada Xoolaha Ee Borama Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Cashuuro Ay Sheegeen In Ay Dawlada Hoose Ku Kordhisay

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy