Dawlada Somaliya Oo Diyaarinaysa Ciidamo Boolis Ah Oo La Gayn Doono Deegaanada Laga Qabsaday Alshabaab

Qorshaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Ciidamo boolis ah ku geyneyso deegaannada laga saaray Ururka Al-Shabaab ayaa yimid,kaidb markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu arrintaasi kala hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuxigeenadiisa.

Kulanka ayaa looga hadaly dardar gelinta qorshaha sugidda amniga dalka iyo fududeynta dib-u-habeynta Booliiska, si loogu guuleyso tayeynta ciidamada booliiska oo qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada Soomaaliyeed ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan.

Taliyaha iyo taliye ku-xigeennada ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog ka siiyay howl galladii ugu dambeeyay ee booliisku amniga dalka ku sugayeen iyo guulahii laga gaaray, qorshaha ciidamo booliis ah lagu geynayo deegaannada laga saaray Al-Shabaab, waxa ayna ballan qaadeen in ay fududeynayaan qorshaha dib-u-habeynta Booliiska iyo in ay laba jibbaarayaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan, si loo helo amni, xasilooni iyo kala dambeyn.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Warbixin Xiiso Leh Oo Laga Diyaariyay Gacsato Shinease Ah Oo Ka Ganacsata Magaalada Hargaysa

Bnnstaff

“Dayn Cafitaan Yaan Dadka Lagu Jahwareerin” Xildhibaan Axmed Fiqi Oo Afka Furtay

Bnnstaff

Siyaasi Faarax Macalin Oo Si Faahfaasan Uga Hadlay Cida Iska Lahayd Diyaaradii Kismaayo Tegtay

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy