Dawladda Australia Oo Safiir Cusub Usoo Magacowday Dalka Soomaaliya

Dowladda Australia ayaa safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya waxaana warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Cabdiqaadir Axmed Kheyr

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay oo Talaado ahayd (1 Oktoobar) kaga guddoomay Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Marwo Alison Chartres, Safiirka Australia ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Diblomaasiyiin Soomaali iyo Australian ayaa goob joog ka ahaa madasha guddoomidda.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxa ay kaga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada, sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen xaaladaha gobolka iyo dunida .

Dowladda Australia ayaa dhawaan Ururka Daacish ee Soomaaliya ku dartay liiska argagixisada iyada oo sheegtay in ay weerarro ka geysan karaan dalkeeda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Hanjabaad Culus U Dirtay Mulkiilayaasha Haayadaha Warbaahinta Madaxbanaan

Bnnstaff

Deg Deg: Madax Dhaqmeedka Beelaha Gadhxajis Oo Ka Warbixiyay Kulan Ay Maanta La Qaateen Madaxwayne Muuse Biixi

Bnnstaff

Prof Cali Khaliif Oo Shaaciyay In Uu Ka Degayo Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalkiisa Oo Uu Sheegay

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy