Kooxda Macawiisley Oo Dagaal Ay Hub Ku Qabsadeen Ku Qaaday Ururka Al-Shabaab

Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley ayaa saaka waabarigii hore weerar ku qaaday Al-Shabaab ku sugnaa deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.

Sida wararku sheegayaan kooxda Macawiisley ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday Gobolka Hiiraan, waxaana durba kooxdan bilaabeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ak dhan ah Al-Shabaab.

Horjoogaha Kooxda Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cali Istakiin ayaa sheegay in weerarkii saakay ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna kaga dileen illaa shan ruux, halka ay Hub kala ku qabsadeen.

Waxaa uu sheegay in labo ka mid ah gaadiidka dagaalka ay ku qabsadeen, kaasoo uu saarnaa qoriga loo yaqaano Dhashiikaha.

Ma jirto war ka soo yeeray Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada Kooxdan ka tirsan Macawiisleyda ee saaka weerarka ku qaaday deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.

Kooxda loo yaqaano Macawiisley ayaa ah dad is abaabulay oo reer miyi, kuwaasoo sheegay inay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka ay kala kulmaan Al-Shabaab, sida in si xoog ah looga qaado Xoolaha ay dhaqdaan oo ay Al-Shabaab uga qaadaan qaabka loo yaqaano Zakawaatka

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xogta Dahsoon:- Boqortooyada Sucuudiga Oo War Kasoo saartay Weerarkii Markabka Iiraan

Bnnstaff

DAAWO: Wax Kala Qabsaday Bbcda Iyo Sheekh Cabdi Xayi Oo La Waydiiyay Mucaarid Iyo Muxaafid Midka Uu Yahay

Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Murashaxiinta Madaxwayne Ee Maamulka Galmudug Oo Ku Gacan Saydhay Gudiga Farsamada Ee Dhismaha Galmudug

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy