Madaxweynaha Maamaulka Puntland Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Golihiisa Wasiirada Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Boosaaso ayaa shir degdeg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, iyadoo la filayo in laga soo saaro go’aano culus.

Sida wararku sheegayaan Saciid Deni ayaa shalay ku wargeliyay dhammaan Golaha wasiirada inay soo galaan magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in shirka degdega ah ee Golaha Wasiirada Puntland looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa qaadacay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee SPF, isla markaana horay Madaxweyne Saciid Deni u caddeeyay in aanay ka qeyb galeyn shir ay Puntland wax talo ah ku laheyn.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa heerkii ugu sareysay, iyadoo dhaq dhaqaaqyo xooggan ay ka jiraan magaalada Muqdisho oo ay shirar ay ku leeyihiin Xisbiyada siyaasadda ee ay horboodayaan Madaxdii hore ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qareenada Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Wasaarada Waxbarashada Iyo Dugsiyada Gaarla Loo Leeyahay

Bnnstaff

DAAWO Warar Xiiso Leh Fadeexada Jaamacada Galbeedka Africa iyo Maraykanka Oo U Faaruqiyay Turkiga Dalka Siiriya

Mustafehaji

Faroole Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Farmaajo iyo Khayre

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy