Madaxweyne Xaaf Oo Ku Dhawaaqaya Guddiga Doorashooyinka Iyo Farsamada Ee Maamulka Galmudug

-

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in uu ku dhawaaqo Guddiga soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug iyo Farsamada maamulka Galmudug.

Xaaf ayaa saacaddihii ugu dambeeyay la tashiyo la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaana ay isku raaceen in uu Magacaabo Guddi ka kooban 12 xubnood.

Ra’iiusul Wasaare Kheyre ayaa dhawaan sheegay in hanaanka Geedi socodka Galmudug uu la wareegay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle.

Maamulka Galmudug ayaa wajahayay Khilaaf maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu si rasmi uga laabtay tilaabadii uu ugu wakiishay howlaha maamulka Galmudug Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo War Ka Soo Saaray Colaada Deegaanada Ceel Afwayn Fariinada U Diray Shacabka Deegaanadaasi

Bnnstaff

Xaldhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Farmaajo Ku dhaliilay Hambalyada Abiy Ahmed

Bnnstaff

“Khilaafka Gudida Doorashooyinku Mar Kale Ayuu Dib U Dhigi Karaa Doorashada” Siyaasi Carxamaan Cadami Fariin U Diray Muuse Biixi

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy