Saraakiil Ka Kala Socda Dawlada Maraykanka Iyo Ururka Taalibaan Oo Kulan Wada Qaatay

Wafdi Taliban ah ayaa khamiistii la kulmay wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Zalmay Khalilzad, sida ay laba ilo-wareed u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Kulankan ayaa ah xiriirkii ugu horreeyey ee la ogyahay ee dhex mara labada dhinac tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka uu ka baxay wada-hadallada, bishii tagtay.

Trump ayaa hakiyey wada-hadallada, kadib markii askari Mareykan ah iyo 11 qof oo kale ay ku dhinteen qarax ka dhacay Kabul.

Wada-hadallada ayaa looga dan lahaa qorshe ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan Afghanistan, ayaga oo dhaafsanaya in Taliban ay damaanad qaaddo amniga.

Si kastaba, ilo-wareedyada ayaa sheegay in kulanka oo ka dhacay caasimadda Pakistan ee Islamabad, islamarkaana socday in ka badan saacad, aysan macnaheedu ahayn in wada-hadallada ay dib u billowdeen

“Saraakiisha Taliban waxay kulan la yeesheen Zalmay Khalilzad…waxa aan kuu sheegi karo kaliya ayaa ah in Pakistan ay kaalin ka cayaartay inay ka dhaadhiciso muhiimadda hanaan nabadeed” waxaa sidaas Reuters u sheegay sarkaal sare oo Pakistani ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxa uu intaas ku daray in kulanka, oo sidoo kale uu xaqiijiyey ilo-wareed kale, uusan ka dhigneyn wada-xaajoodyada nabadeed oo si rasmi ah dib ugu billowday, hase yeeshee looga dan lahaa in dib loogu soo celiyo kalsoonida.

Safaaradda Mareykanka ee Islamabad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Washington ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiyaan in kulan uu dhacay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kenya’s Kenyatta Opens Chinese-Built Railway linking Nairobi and Naivasha

Mustafehaji

Ciyaaryahanka Caanka Ah Ee Maxamed Saalax Oo Saamayn Wayn Ku Yeeshay Isbedelka Dhaqan Ee Shacabka Uk Iyo Qaabka Uu Saamaynta Ugu Yeeshay

Mustafehaji

Muuqaalka Maanta Nin Far Cidideed Kaga Badbaaday Shil Halis Ah Daawo Siday Wax U Dhexeen

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy