Boqortooyada Sucuudiga Oo Codsatay In Ay Wada Hadal La Gasho Dawlada Iraan Ka Dib Dhirbaaxadii Soo Gaadhay

Dowlada Sacuudi Carabiya iyo IIRAAN ayaa bilaabaya wadahadalo aan toos ahayn oo labada dal yeeshaan si loo dejiyo xiisada ka jirta Bariga Dhexe.

Sida uu daabacay wargeyska New York Times Dhaxal Sugaha Sacudi Carabiya Amir Maxamed Bin Salman ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha Ciraq iyo Pakistan inay soo farogeliyaan xiisada ka dhalatay weerarkii lagu qaaday ceelasha saliida ee Sacudi Carabiya.

Maraykanka iyo Sacudi Carabiya ayaa ku eedeeyay weerarka duqeynta ah dowlada IIRAAN waxaana dhaawac lagu gaadhsiiyay soo saarista saliida dalka Sacudi Carabiya oo boqolkiiba shan hoos u dhac ku yimid.,inkastoo xooggaga Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen inay ka dambeeyeen duqeynta.

Diidmada uu diiday Madaxweynaha Maraykanka Trump in uu jawaab milatari ka bixiyo duqeynta ayaa shaki gelisay madaxda boqortoyada Sacudi Carabiya daacadnimada Maraykanka ee dhinaca ammaanka taasoo muddo tobanaan sano ahayd mid wanaagsan.

Wargeyska ayaa qoray ka jawaabis la’aanta Maraykanka inay soo dedejisay in Sacudigu uu raadiyo xal kale oo lagu soo afjarayo khilaafka.

Dowlada Sacudiga ayaa sheegtay in maamulada ka jira magaalada Baqdad iyo Islamabad ay ka timid in la galo dhexdhexaadin halka hore loo sheegay inn Maxamed Bin Salmaan uu lahaa codsiga.

Dowlada IIRAAN ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u tahay in ay wadahadal la gasho maamulka Riyadh.

Xidhiidhka Sucuudiga iyo IIRAAN ayaa xumaa sanadihii la soo dhaafay iyadoo dal walba uu dhinac kale ka istaagay khilaafaadka ka jira Bariga Dhexe sida dagaalada Yemen iyo Syria.

Sucuudiga ayaa ku taageertay Dowlada Maraykanka cunoqabataynta xoogan ay dul dhigtey dalka IIRAAN, Mana Jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Trump oo ku saabsan go’aanka cusub ee ay qaadatay Sacudi Carabiya.

Xafiiska wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Khyre Oo Kormeer Ku Tegay Dhismaha Tiyaatarka Qaranka Oo Gabogabo Ku Dhaw + SAWIRO

Bnnstaff

Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Oo Kulan La Qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga Iyo Gaashaandhigga

Bnnstaff

“Mataagna Farmaajo Iyo Axmad Madoobe Waxa Ishaystaayi Waa Somaliya Iyo Kenya” Xildhibaan Dalxa

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy