Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Oo Mooshin Ka Wada Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee Puntland

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada Puntland siweyn looga hadal-hayaa mooshin la sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas ay ka diyaarinayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo kamid ah Golaha Wakiiladda Puntland ayaa Garoowe ka sheegay in uu ka digayo mooshinkaas,isla markaana uu ugu baaqayo inay joojiso xukuumadda Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la keensado Guddoomiye lagu adeegto,isla markaana fuliya danaha Xukuumadda Maamulka Puntland.

Bishii October ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii Xubno katirsanaa Golaha Wakiiladda Puntland ay mooshin ka keeneen Gudodomiyihi Baarlamaanka Puntland ee xiligaas Siciid Xasan Shire,iyad aoo mooshinkaas lagu eedeynayay inay dabada ka riixeysay Xukuumadii Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

25-ka Bishan October ayaa la filayaa in uu furmo fadhiga Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana la wada sugayaa sida ay wax u dhacaan.

Related posts

Deg Deg: Furitaanka Kalfadhiga 6aad Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Gacan Ka Hadal Isku Bedelo

Bnnstaff

Waa Kuma Madaxwaynaha Cusub Ee Dalka Tunisia Loo Doortay Iyo Waxyaabaha Ay Shacabka Dalkaasi Ku Doorteen

Bnnstaff

Faroole Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Farmaajo iyo Khayre

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy