Dawlada Fadaraalka Oo Dib Ucelisay Dad Lagasoo Masaafuriyay Magaalada Kismaayo

Qaar kamid ah dadkii Shalay laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose islamarkaana ay dib u celisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in dowladda ay dib uga laabato go’aankaasi.

Dadkaan oo la soo xiriiray Warbaahinta ayaa sheegay in ay wajahayaan cadaadis xoog leh islamarkaana ay soo wajahday cabsi ammaan.

“Waxaan dareemeynaa cabsi xoog leh waana noola hanjabayaa, qaarkeen waxay wajahayaan jirdil iyo xadgudubyo kale, DF-ka waxaan ka codsaneynaa in aysan nagu sii heynin dhibkaan oo ay noo fasaxdo Muqdisho”

“Annaga maamulkaan waan ka filaneynay tacadiyo laakiin waxaa layaab noqotay dowladii aan ka sugaynay naxariis iyo badbaado ee nagu soo celisay meel aan qof ku noolaan karin” ayuu yidhi Qof kamid ah dadkii shalay laga soo masaafuriyay Kismaayo ee la celiyey.

Dadkaan ayaa u badan Xildhibaano ka tirsan Golaha Isbadal doonka Jubbaland iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah kuwaas oo ka soo hor jeeday maamulka Jubbaland, gaar ahaan hogaanka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Related posts

Xiisad Colaadeed Oo Saaka Ka Taagan Deegaano Ka Tirsan Degmada Balanbale Ee Gobolka Galgaduud

Bnnstaff

Xisbiga Uu Hogaamiyo Sheekh Shariif Oo Dacwad Ka Dhan Ah Xukuumada Madaxwayne Farmaajo U Gudbiyay Maxkamada Sare Ee Somaliya

Bnnstaff

Qubanaha VOA Iyo Qodobo Xasaasiya Oo Lagu Falanqeeyay

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy