Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Si Diiran Muqdisho Loo Soo Dhaweeyay

-

Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, iyada soo suweyn loo soo dhaweeyey.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay tagaan Magalada baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga  ayaa waxaa ay Baydhabo uga qeyb geli doonaan furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed,iyagoo sidoo kalena kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareysa maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ayaa hadda ka socda Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo’ iyadoo amniga magaalada si weyn loo adkeeyay.

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Murashaxiinta Madaxwayne Ee Maamulka Galmudug Oo Ku Gacan Saydhay Gudiga Farsamada Ee Dhismaha Galmudug

Bnnstaff

Shacabka Magaalada Muqdisho Oo Ka Dareen Celiyay Dib U Soo Celinta Taalooyinkii Taariikhiga Ahaa Ee Somaliya

Bnnstaff

Ciidamada Milatariga Turkiga Oo Shaaciyay In Ay Diyaar U Yihiin Hawlgalka Ka Dhanka Ah Kurdiyiinta Suuriya

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy