Jubaland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Go, aankii Ay Dawlada Fadaraalku Soo Saartay

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay War xalay ka soo baxay Waasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya oo looga hadlay Xulista Baarlamaanka Jubbaland iyo Doorashada Madaxwaynaha.

Cabdi Xuseen Sheekh oo ah Warfaafinta Jubaland ayaa sheegay in habraaca doorashada ee ay soo saartay dowladda Federaalka ah uusan iyaga quseyn.

Wuxuu sheegay in ay doorteen madaxweynaha Jubaland [ Axmed Madoobe ] sidoo kalena u dhimanyahay caleemasaarka isna ay qabanayaan.

Dowladda Federaalka ah ayuu ku eedeeyay in aysan u tudheyn dadka ay mas’uulka ka tahay waxaana uu ku dhaliilay in markii ay dowladda dhexe timid ilaa hadda aysan wax turis ah u sameeyn dadka rayidka ah.

Dowladda Federaalka ah ayaa xaaraantinimeysay doorashadii 22kii August,waxaana ay xalay soo saartay habraaca cusub ee doorashada Maamulka Jubaland ee lagu dooranayo baarlamaanka 2aad ee maamulkaas.

Khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa ka dhashay markii Axmed Madoobe uu qabtay doorasho isaga dib loogu doortay taas oo beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka ahba diideen natiijada ka soo baxday.

Related posts

Deg Deg: Furitaanka Kalfadhiga 6aad Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Gacan Ka Hadal Isku Bedelo

Bnnstaff

Maraykanka Oo Somaliya Uga Baaqay In Ka Soo Laabato Kiiska Bada Ee Horyaala Maxkamada Aduunka Ee ICJ

Bnnstaff

DAAWO: Kooxda Kala Maan Oo Si Wada Jir Ah Uga Soo Magaajileeyay Degmada Wadajir Ee Muqdisho

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy