Khaliaaf Ka Taagan Dhismaha Golaha Deegaanka Ee Degmada Buula Burdo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Waxaa xilligaan jira khilaaf ka dhashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle oo wada qorsho ku saabsan sidii loo dhisi lahaa Golaha deegaanka degmada Buulo-Burde,hayeeshee qaar kamid ah waxgaradka magaaladaas ay ka horyimaadeen.

Wasiirka arimaha gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada jowhar ayaa ayaa sheegay in degmada labaad ee laga dhisi doono golaha degaanka ay tahay buulo burte, iyada oo horay looga soo dhisay degmada Warsheekh,kuwaas oo doortay guddoomiye iyo kuxigeenadiisa.

Hayeeshee qaar kamid ah Odayaasha & waxgaradka degmada buulo-Burde ayaa waxaa ay marka hore shuruud uga dhigeen in Golaha deegaanka horta laga soo dhiso Magaalooyinka jowhar iyo Baladweyne ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiir Caadle ayaa dhinaciisa waxaa uu wacad ku maray in uu Buulo-Burte ka dhisi doono gole degaan,waxaana taasi ay u muuqataa khilaaf xilligaan ka jira dhisamaha Golaha deegaanka degmada Buulo-Burte.

Si kastaab degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa mudo 7 Sano ah ay u go’doonsan tahay ururka Al-Shabaab,waxaana la ogeyn habka ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ugu soo dhisi doonto gole deegaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dadka Araga Naafada Ka Ah Ee Ku Nool Magaalada Borama Oo Fariin Dareen Lah U Diray Qaybaha Bulshada

Bnnstaff

Axmed Madoobe ” Farmaajo Bari Ha Yimaado Kismaayo ” + KHUDBADII CALEEMASAARKIISA

Mustafehaji

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Ku Guulaystau Abaal Marinta Nabadda Ee Nobel

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy