Madaxwayne Farmaajo Oo Tacsi U Dhiray Dhigiisa Jabuuti Oo Uu Walaalkii Ku Geeriyooday Faransiiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Borama Xarunta Job Center Oo Abaal Marino Gudoonsiisay Dhalinyaro Ku Guulaysatay Barnaamijka Hal Abuurka Ganacsiga

Bnnstaff

” Safiirka Jabuuti 24 Sacadood Dalka Ha Kaga Baxo…” Xil Nac Nac

Mustafehaji

Madaxweyne Farmaajo Oo Si Balaadhan Loogu soo Dhaweeyay Adiss-Ababa

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy