Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Ku Hanjabay In Uu Burburin Doono Dhaqaalaha Turkiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan hor is-taagi doonin Turkish-ka oo la filayo inay weeraraan Kurdish-ka Syria, hase yeeshee waxa uu ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay ku fogaadaan.

“Haddii ay sameeyaan wax aan rumeysannahay inaysan ahayn bani’adamnimo” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha, “waxaa asiibi doona dhaqaale burbur iyo carro.”

Xulufada Jamhuuriga ee madaxweynaha ayaa aad uga carrooday go’aanka Trump ku cidleeyey Kurdish-ka Syria, kuwaas oo ciidamada Mareykanka la galay dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish.

Mid ka mid taageerayaasha ugu daacadsan Trump ee ku jira Senate-ka Mareykanka ayaa go’aanka madaxweynaha ugu yeeray mid “aragti gaaban iyo mas’uuliyad darro.”

Senator Lindsey Graham oo barnaamijka Fox & Friends uu weydiiyey haddii uu taageersan yahay go’aanka madaxweynaha ayaa yiri “marnaba maya,” isaga oo sheegay in tallabaadan “ay guul weyn u tahay Daacish.”

Graham ayaa sheegay in Kurdish-ka ay la safan doonaan madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad, sababtoo ah ma haystaan waddo kale. “Sidaas darteed tani waa u guul Iran iyo Assad.” Ayuu yiri.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Axmed Madoobe Durbaanka Uu Xaday, Halkee Ayuu Ku Garaaci Doonaa” Siyaasi Faarax Macalin

Bnnstaff

Xiliga Uu Dhacayo Caleema Saarka Axmed Madoobe Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff

Waa Sidee Qaabka Doonida Ama Geed fadhiisiga Ee Meherka Borama Kadhaca Borama Maxayse Magaalooyinka Kale Kaga Duwantahay

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy