Qaramada Midoobay Iyo Midawga Africa Oo Ku Heshiisyay Qorsha Hawleedka Somaliya Ee 2020 Iyo 2021

Wakiillo ka kala socda Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaay Magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyeen shir muddo shan maalmood ah u socday kaas oo ay kaga hadlayeen shaqooyinkooda Soomaaliya.

Madaxda labada dhinac ayaa isku raacay tubta qorshaha kala guurka Soomaaliya,waxyaabaha la qabananayo, dhaqaalaha lagu qabanayo iyo habka loo qabanayo.

Madaxa Injineerrada AMISOM sidoo kalena ah isku xiraha shirarka AMISOM Andrew Alele, ayaa sheegay in shirkooda ay xoogga ku saareen sidii loo dar dargelin lahaa qorshaha kala guurka islamarkaana hab loo qorsheeyay loo fulin lahaa.

Waxaa kale oo gabagabashada shirkaas ka hadlay Simon Mulongo,oo ah ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,waxaana uu sheegay in waxa ugu badan ee uu ka walwalsanyahay ay tahay in dhaqaale xumo darteed aysan u qabsoomin howlaha AMISOM ee Soomaaliya.

Waxaa uu rajo ka muujiyay in qorshahan sida loo dejiyay u dhaqangeli doono, isaga oo dhinacyada ugu baaqay in si taxadar leh u gutaan howlaha horyaalla.

Clark Toes oo ah Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee taageerada Soomaaliya UNSOS ayaa isaguna rajo wanaagsan ka muujiyay in qorshan guul ku dhamaan doono islamarkaana howsha ugu weyn tahay howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab, furidda waddooyinka iyo sahay gaarsiinta Ciidamada AMISOM.

Waxaa uu dhamaan daneeyayaasha Howlgalka AMISOM ugu baaqay in ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan si uu howlgalka guul ugu dhamaado.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shacabka Magaalada Hargaysa Oo Ka Dareen Celiyay Cafiskii Uu Muuse Biixi U Fidiyay Ciidamada Jabhada Caare

Bnnstaff

Wufuud Ka Kala Socota Dadalka Somaliya Iyo Jabuuti Oo Ku Waajahan Magaalada Baydhabo

Bnnstaff

Madaxweyne Deni ” Wasiirka Amniga Jubaland Ee La Xidhay Waa Ma Mudneyn Farmaajow “

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy