Wakiilka Qarama Midoobay Oo Maanta Booqday Xarunta Gobolka Banaadir Ka Dib Dilkii Gudoomiye Yariisaw

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ayaa qaraxii uu ka badbaaday ka dib maanta Booqday Xarunta Gobolka Banaadir waxa uuna halkaasi kula kumay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa kala hadlay Mr Swan arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga caasimadda, taageerada Qaramida Midoobay ee Xaqiijinta nanadgalyada Caasimadda iyo kor u qaadida dakhliga Dowladda hoose ee Xamar.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha horumarinta sida Dhismaha Wadooyknka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakaca ku sugan Caasimadda Muqdisho.

Mr Swan ayaa dhankiisa balanqaaday in ay xoojin doonaan wadashaqaynta tooska ah ee ay la Leeyihiin Maamulka Gobolka sidoo kalne uu UN ku kaalin taageero la garab taaganyahey Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Jabhada Cusub Oo Ka Dilaacday Boohoodle Hanjabaad Culusna U Soo Dirtay Madaxwayne Biixi

Bnn Staff

Shirka Madaxwayne Farmaajo Iyo Xisbiyada Siyaasada Oo Goor Dhawayd Ka Furmay Muqdisho

Bnn Staff

Madaxwayanaha Maamulka Hirshabeele Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada

Bnn Staff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy