Xildhibaanad ilhan Cumar Oo Si Rasmi Ah Dawcwad Ay Ku Dalbanayso In Ay Ninkeeda Furto Ugu Gudbisay Maxkamad

-

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi, Waxayna maxkamad ku taalla Minnesota u gudbisay dacwaddaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.

Ilhaan iyo Axmed ayaa waxay isguursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii.

“Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

Waxay Ilhaan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

Khilaafka u dhexeeya lamaanahan ayaa waxaa dhawaan si muuqata uga hadashay warbaahinta Maraykanka.

Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr bil ka hor ay soo baxday in Ilhaan ay xiriir jaceyl oo hoose la leedahay Tim Mynett. Xaaska Tim, oo lagu magacaabo Beth Mynett ayaa sidoo kale bishii August maxkamadda ka codsatay in ninkeeda laga furo, kadib markii ay ogaatay xiriirka uu la leeyahay Ilhaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ahlu Suna Oo Ka Soo Horjeesatay Gudigii Ay Dawlada Fadaraalku Soo Magacawday Iyo Sobobta

Bnnstaff

Waraysi Xiiso Leh Siyaasi Geel Jire Oo Banaanka Soo Dhigay Sobobtii Uu Ugu Biiray Xisbiga Wadani Iyo Arimo Kale Oo Uu Ka Hadlay

Mustafehaji

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Jabuuti Ka Xaal Mariyay Caydii Faysal Cali Waraabe

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy