“Annigu Ma Rabo Inuu Farmaajo Iga Dhigo Gudoomiye Gobol” Marashax Odawaa Oo Ka Hadlay Xaaladaha Galmudug

Musharaxa Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay waqtigii la soo magacaabi jiray Guddoomiye Gobol.

Musharax Odawaa oo xalay ka hadlayay Kulanka Aqoonyahanka Galmudug oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada sida ay u wada shaqeynayaan uu Dastuurka caddeeyay.

“Soomaaliya waa ka soo gudubtay waqtigii la magacaabayay Guddoomiye Gobol, dowlad goboleedyo ayaa la sameeyay, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada sida ay u wada shaqeynayaan dastuurka ayaa sheegay, cid cid u baahan ma jirto oo leh kulama shaqeynayo, wada shaqeynta ma ahan jaceyl iyo naceyb, waa arrin dastuuri ah, cidii ku xadgudubka dastuurka ayaa gardaran haddii ay tahay dowladda federaalka iyo haddii dowlad goboleedyada”ayuu yiri Musharax Odawaa.

Musharax Odawaa ayaa soo hadal qaaday hadal heyn maalmahan jirtay oo ahaa in aanay isaga rabin dowladda Federaalka oo aanay taageersaneyn Musharaxnimadiisa, isagoo xusay in isagaba cida uu taageerada ka rabo ay tahay reer Galmudug, oo aanu dooneyn inuu noqdo nin raadsaday in loo magacaabo. Guddoomiye Gobol

“Beryahan waxaa arkay ayadoo la leeyahay dowladda Federaalka kuma rabto, anigaba maba rabo inay i magacawdo, dowladda Federaalka cod kama rabo, codkiina ayaa rabaa idinka in aad ii codeysaan, aniga Farmaajo inuu Guddoomiye Gobol iga dhigo kama raadsan, ma rabo”ayuu yidhi Musharax Odawaa

Musharax C/raxmaan Odawaa ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug, Wuxuuna xidhiidh dhow la leeyahay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Farmaajo Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Gudoomiyaha Baarlamaanka DalkaJabuuti

Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo War Murtiyeed Ka Soo Saaray Xaalada Itoobiya

Bnnstaff

“Dig-Teetar Nimo Adag Oo Aad Modo In Tii Siyad Bare Ka Adagtay Ayuu Madaxwaynuhu Qaaday” Mucaradka

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy