DEG DEG:- Madaxwayne Deni Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Duulay Magaalada Kismaayo Si Uu Uga Soo Qayb Galo Caleema Saarka Axmed Madoobe

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa u duulay magaalada Kismaayo, waxayna Wafdigu ka Qayb gelayaan xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe taasoo ay ka taagan tahay muran ku aadan inay ku qanacsaneyn Dowladda Dhexe.

Diyaaradda ayaa si toos ah ugu duushay Magaalada Kismaayo iyadoo la filayo inaysan sii marin Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale Saacadaha soo socda ay halkaas ka bixi doonaan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa shalay ilaa maanta Magaalada Boosaaso ka socday kulamo u dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo wafdi wasiiro ah oo halkaas u tagay inay Deni ka baajiyaan ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka, waxaana la sheegay in Deni iska diiday dalabkii ay Dowladda Soomaaliya usoo marsiisay Wasiiradii uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gebi ahaanba laashay doorashadii ka shacday Jubaland waxayna sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashadaas, sidoo kalena waxay ku dhawaaqday in ay dib ugu celin doonaan doorashada jubalanad iyadoo soo bandhigtay hab-raaca doorashada Jubaland.

Dhawaan ayey aheyd markii ay Magaalada Kismaayo gaareen wafdi ay hoggaaminayeen Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey usoo kala noqday madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

”Shacabka Iyo Dawlada Somaliyeed Waxay Germany Ka Baranayaan Sida Qaran Loo Mideeyo,, Raysal Wasaare Khyre

Bnnstaff

“Sadex Ninba Waa Cilaaj Isbitaal In La Geeyona Way U Baahanyihiin ” Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin

Mustafehaji

“Hadii Ay Dadku Dantooda Garan Waayaan Waa Lagu Karbaashayaa” Maayirka Borama Oo Ka Jawaabay Cabashadii Ganacsatada Hilibka

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy