Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo la Xidhay Kadib Markii Ay Diyaarad Ku Dhacday Dhabaha Ay Ka Duulaan Diyaaraduhu

Wararka naga soo gaadhaya garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in ay ku soo dhacday diyaarad kuwa xamuulka qaada ah kaddib markii ay u bixi weeyeen lugaha.

Diyaarada ayaa waxaa la sheegay in ay awoodi weysay inay lugaha la baxdo taas oo sababtay in markii dambe ay caloosha dhigato laamiga garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo aheyd nuuca xamuulka qaada ayaa la sheegay in rakaabkii saarnaa aysan wax khasaaraa ka soo gaarin, walow aan wali la shaacin halka ay ka timid iyo halka laga leeyahay toona.

Wararka qaar ayaa sheegaya in aysanba jirin wax rakaab ah oo saarnaa diyaaradda, waxaana hadda hakad ku jira shaqadii garoonka maadaama ay diyaaraduu taallo bartamaha garoonka.

Related posts

Axmed Madoobe “Hannaanka siyaasada loo dhan yahay dalka kama jirto, wixii ka soo baxay Shirkii…”

Mustafehaji

Sheekh Shariif “Sacabka Beenta Ah Ee Loo Tumayo Dawlada Wuxuu Xoojinayaa Dulmiga ….

Mustafehaji

Madaxwayne Trump Oo Goob Fagaare Ah Dawlaha Ukraine Iyo Shiinaha Ugu Baaqay In Ay Baadhaan Joe Biden Iyo Wiilkiisa

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy