Maxaa Kala Qabsaday Madaxwayne Deni Iyo Wasiiro Ka Socda Dawlada Fadaraalka Oo Ku Kulmay Boosaaso

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo gaadhay magaalada Boosaaso, waxaa wafdiga Wasiirada ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Xasan Maxamed iyo Wasiirka Kalluumeysiga Cabdilaahi Bidhaan.

Wasiiradii ka socday DF Soomaaliya ayaa caawa Madaxtoyada Boosaaso kulan kula qaatay Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo xubno ka tirsan Xukumadiisa Waftiga federaalku waxaa ay Puntland u soo jeediyeen ay la xaliyo khilaafka federaalka kala dhaxeeya isla markaasna Madaxwayne Deni ka baaqdo caleema saarka madaxwaynaha Jubaland.

Puntland waxaa ay soo dhawaysay wada hadalka oo ay sheegtay in ay diyaar u tahay mar walba waxaa madaxwayne Deni iyo Xukuumadiisu u sheegeen in ay ka qayb galayaan Caleema saarka Axmed Madoobe oo dhowr jeer dib u dhacay, Islamarkaana aysan ka baaqan doonin .

Wasiiradii ka socda Federaalka ayaa Berri subax dib ugu laaban doona Muqdisho iyaga oo aan ku guulaysan in ay Madaxwaynaha Puntland ay ka baajiyaan ka qayb galka caleema saarka Axmed Madoobe.

Xafiiska Wararka BoramaNew
BoramaNews.com

Related posts

Imaamka Masjidka Qadiimka Ah Ee Magaalada Saylac Ee Qablataynka Oo Ka Warbixiyay Taariikhda Masaajidkaasi

Bnnstaff

Xildhibaan Dheeg Oo Taageeray Shaqaale Qaad Dartiis Shaqadooda Looga Eryay Kuna Baaqay In La Abaal Mariyo Ciidamada Qabta Maandooriyaha

Bnnstaff

“Somaliland Magafayaal Dadka Lacagta Ka Ururiya Ayaa Ka Dilaacay ” Xildhibaan Qabile

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy