Somaliland Oo Qabashay Mashruucii Marxuun Eng Yariisaw Ee Loogu Talao Galay Horomarint Degmada Barbara

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga oo maanta booqasho ku tagey magaalada Berbera, ayaa sheegay in uu la kulmay maayirka magaaladaasi Cabdishakuur Ciddin, isagoo kala hadlay sidii midowga Yurub ugu wareejin lahaa lacag 7.5 Milyan oo Yuuro ah oo loogu talogalay horumarinta degmada Berbera.

Dawladda Soomaaliya ayaa bishii Ogoosto ee sannadkan sheegtay in ay Midowga Yurub la saxeexatay heshiis lacageed oo dhan 22.5 Milyan oo Yuuro taasi oo 7.5 Milyan ka mid ah lacagtaasi loogu talogalay degmada Berbera.

Mashruucan ayay dawladda Soomaaliya sheegtay in loogu magac-daray Eng. Yariisow, hase ahaatee Somaliland ayaa war ay soo saartay wakhtigaasi ku sheegtay in mashruuca Eng. Yariisow aan laga hirgalin karin Somaliland.

Waxayna hada u muuqataa inay Somaliland Aqbashay in laga fuliyo Mashruuca Horumarineed ee loogu magac daray Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow Alle ha u naxariistee.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Waraysi Xiiso Leh Siyaasi Geel Jire Oo Banaanka Soo Dhigay Sobobtii Uu Ugu Biiray Xisbiga Wadani Iyo Arimo Kale Oo Uu Ka Hadlay

Mustafehaji

DAAWO: Ruwaayad Cajiib Ah Oo Laga Metelay Go’aanka Ay Dawalada Somaliyeed Ka Qaadatay Arinta Muranka Bada

Mustafehaji

DAAWO Warar Xiiso Leh Fadeexada Jaamacada Galbeedka Africa iyo Maraykanka Oo U Faaruqiyay Turkiga Dalka Siiriya

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy