Madaxwaynayaashii Hore Ee Somaliya Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Maanta Ku Waajahan Kismaayo

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Magalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay tagaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud.

U jeedada safarkooda ayaa ah sidii ay uag qeyb-geli lahaayeen Xaflada Caleema saarka Axmed Maxamed Islaam oo Baarlamaanka Maamulkaas ay markale u doorteen Madaxweynaha Jubbaland.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ayaa Bishaan lagu xayiray Garoonka Muqdisho xilli uu doonayay in uu u dhoofo Kismaayo,taas oo xiisad siyaasadeed abuurtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore tegi doona Kismaayo,iyada oo isla maanta uu Muqdisho ka ambabixi doono Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya.

Magalada Kismaayo Wararka naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada soo dhawyenta wufuuda kala duwan ee ka qeyb-galeysa Xaflada Caleema saarka oo uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Goordhow ka duulay Garoowe.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muranka Bada Ee Somaliya Iyo Kenya Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Kiiskaasi

Mustafehaji

Madaxwayne Trump Oo Goob Fagaare Ah Dawlaha Ukraine Iyo Shiinaha Ugu Baaqay In Ay Baadhaan Joe Biden Iyo Wiilkiisa

Mustafehaji

Puntland Oo Faahfaahin Ka Bixisay Kiiska Loo Haysto Siyaasi Muuse Cali Jaamac

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy