Ciidamo La Wareegay Xaranya Maaliyada Ee Magaalada Baladwayne Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka laga helayo Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo boolis ah oo gadoodsan ay dhamaan la wareegeen Xarumaha lagu qaado Canshuuraha ee Magalada Baladweyne.

Ciidamadaan oo Boolis ah ayaa la sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan,isla markaana dhawaan ay xirteen qaar kamid ah wadooyin ku yaalla Magalada Baladweyne gaar ahaan wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha.

Dad ku sugan Baladweyne oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada gadooday goobaha ay la wareegeen kamid yihiin Kastamka Canshuuraha ee Kalabeyr oo ah halka ugu weyn ay Canshuurta kasoo gasho Maamulka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Ciidamada gadoodsan waxaa ay la wareegeen koontoroolada Buundaweyn iyo Horseed,iyaga oo qaadaya lcagihii ay qaadi jireen Ciidamada gaarka ah ee Cansuuraha u qaada Maamulka Hir-Shabeelle.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saraakiisha Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo Waxgaradka Magaalada ay wadaan dadaalo ay ku doodayaan in lagu xaliyo ciidamadaan gadoodsan,kuwaas oo horaantii todobaadkaan gadoodka soo bilaabey, iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo Madaxda sare ee Maamulkaas weli kama hadlin gadoodka Ciidamadaas marka laga reebo saraakiil hoose oo Ciidamada qaar isku dayay inay qanciyaan,hayeeshee taasi aysan suurtagelin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Golaha Guurtida Somaliland Oo Sheegay In Gudaha Magaalada Hargaysa Lagu Beero Xashiishada

Bnnstaff

DAAWO: Caruur Somali Ah Oo Qaabka Dhaantada Loo Ciyaaro Baraya Booliska Australia

Bnnstaff

Dawlada Somaliya Oo Diyaarinaysa Ciidamo Boolis Ah Oo La Gayn Doono Deegaanada Laga Qabsaday Alshabaab

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy