Dawlada Somaliya Oo Mamnuucday Duulimaadyada Si Toos Ah Uga Yimaada Kenya Ee Kismaayo Ku Socda

 Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya Kismaayo, Waxaana  lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya oo ku socda Kismaayo.

Sidoo kale waxaa qoraalka ay iskula hadlaan duulimaadyada lagu sheegay in diyaaradaha aadaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, taasoo ahaa go’aan horay u jiray oo mar kale dib loo cusbooneysiinayo, waxaana la ogeysiiyay amarkan dowladda Kenya.

Tallaabadan ayaa  kusoo aaday Xili la filayey in wafdi ka socda Kenya inay maalinta berri ah ka qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaasoo uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Qorshaha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya u soo saartay amarkan ayaa ah in haddii la jebiyo amarkaas ay qaadato go’aan culus oo noqon doona mid saameyn ku yeesha xidhiidhka Soomaaliya iyo kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa horay u fasaxday Duulimaadyada gudaha ee ku wajahan magaalada Kismaayo, waxaana shalay iyo maanta halaasi gaadhay Madax ka tagtay magaalada Muqdisho iyo Garoowe.

Related posts

“Axmed Madoobe Durbaanka Uu Xaday, Halkee Ayuu Ku Garaaci Doonaa” Siyaasi Faarax Macalin

Bnnstaff

Rai’sul wasaaraha Pakistan, Imran Khan Oo Dhex Dhexaadin Ka Dhex Bilaabay Sucuudiga Iyo Iraan

Bnnstaff

Xog Culus : Maxaa Sobobay In Uu Madaxwayne Farmaajo Ka Baaqdo Shirkii Madasha Ee Muqdisho Ka Dhacay

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy