Masuuliyiinta Ku Sugan Kismaayo Oo Ka Shirya Go’aanka Dawladu Ku Mamnuucday Diyaaradaha Kenya

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ay ka mid yihiin xildhibaanada, Senetarada iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa kulan deg deg ah ka yeelan doona Xayiraadda Mar kale lagu soo rogay Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in uu Guddoomin doona Shirka, islamarkaana Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta ku sugan Kismaayo ay ku dhawaaqi doonaan go’aamo cusub.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale amartay in diyaaradaha u socda ama ka socda Kismaayo ay maraan magaalada Muqdisho.

Diyaarado ka safray Nairobi iyo Garoowe ayaa todobaadkan jebiyey amarkaas oo kol horena ay dowladdu soo saartay, islamarkaana dhawaan ay sheegtay sidoo kale in ay qaaday.

Amarka ka soo baxay Maamulka Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.

Amarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli manta lagu waddo in Magaalada Kismaayo ay gaaraan wafdi ka socda dowladda Kenya oo ka qeyb galaya Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Related posts

Gudida Cadaalada SLand Oo Isku Shaandhayn Iyo Magaacabis Lagu Sameyay Iyo Garsoorayaal Shaqada Laga Caydhiyay

Bnnstaff

Tacsi: Qoyskii iyo Qaraabadii U Ka Baxay Alla Ha U Naxariiste Marxuum Sacad Cumar Geelle ..

Mustafehaji

Xogta Dahsoon :- Ruuska Oo Ganta Ku Dhigaya Bariga Iyo Sucuudiga Oo Markii Ugu Horaysay Shidaal U Doontay Dal Kale

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy