Xiliga Uu Dhacayo Caleema Saarka Axmed Madoobe Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka socota Qaban qaabadii u dambeysay ee xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyadoo la filayo in xaflada ay dhacdo gelinka dambe ee maanta oo Sabti ah.

Xaflada caleema saarka ayaa ah mid si aad ah isha loogu haayo, gaar ahaan khudbadaha ay ka jeedin doonaan Madaxdii hore ee Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiin inta badan Mucaarid ku ah Xukuumadda Soomaaliya.

Labo jeer oo hore ayay dib u dhacday xaflada caleema saarka, sababo ku aadan cadaadis ka yimid dowladda Federaalka, kaddib markii ay xayiraad saartay diyaaradaha Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wafdigii ugu badnaa ay ku sugan yihiin magaalada, waxaana waddooyinka lagu arkayay ciidamo kala duwan oo amniga sugaya, sidoo kalena baaritaan ku sameynaya gaadiidka kala duwan.

Dawladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa horay u sheegay inaysan Aqoonsanayn Doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe, Waxayna taasi keentay inuu xoogaysto Khilaafka DFS iyo maamulka Jubbaland.

Related posts

” In Ay Borama Xabadi Ka Dhacdo Suldaan Wabar Kuma Raacsani” Siyaasi Cabdi Wayne

Bnnstaff

Dawlada Somaliya Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Kenya

Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo War Ka Soo Saaray Colaada Deegaanada Ceel Afwayn Fariinada U Diray Shacabka Deegaanadaasi

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy