“Axmed Madoobe Durbaanka Uu Xaday, Halkee Ayuu Ku Garaaci Doonaa” Siyaasi Faarax Macalin

Siyaasiga Faarax Macalim ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, Wuxuuna sharci darro ku tilmaamay doorashadii uu kusoo baxay ee Kismaayo ka dhacday.

Faarax Macallin ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xaday doorashada Jubaland, balse looga fadhiyo halkii uu ku dhaqan gelin lahaa.

“Waxaa jirta odhaah Soomaaliyeed oo dhahaysa, Waad xadi kartaa durbaan, balse su’aasha waxay tahay halkee ayaad ku garaaci doontaa durbaanka, si aad uga raaxeysato cayaarta.”

“Axmed Madoobe waxa uu doorashada Jubaland u xaday sida durbaanka oo kale balse xaguu ku garaaci doonaa. Waxaa uu ku jiraa go’doon si la mid ah dhammaan daba-dhilifyada, dhulka ayaana kusoo yaraanaya maalin kasta.” Ayuu yidhi Faraax Macalim.

Hadalka Faarax Macallin ayaa imanaya xilli inta badan siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ay la safteen Axmed Madoobe a, iyadoona guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale uu ka qeyb-galay caleemo-saarka Axmed Madoobe oo maalintii shalay ka qabsoomay Kismaayo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Xukuumadu Yayna Jilcin Go’aanada La Qaatay” Boqor Buurmadaw Oo Ka Hadlay Heshiiska Laga Gaadhay Colaadii Ceel Afwayn

Bnnstaff

Xildhibaan Shaaciyay In Madxwayne Farmaajo Uu Uga Baxay Balan Uu u Qaaday Iyo Nuuca Balantaasi

Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Somali State Cabdi Ilay Oo Maxkamada La Soo Taagay Dalbadayna In La Sii Daayo

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy