Dawladaha Somaliya Iyo Qatar Oo Ku Gacan Saydhay Go’aan Ka Dhan Ah Turkiga Oo Ay Soo Saareen Dalalka Jaamacada Carabtu

Golaha Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta shir deg deg ahaa oo shalay ay ku yeesheen Dalka Masar ayaa waxaa ay kasoo saareen qaraar ka dhan ahaa dowladda turkiga oo weerar Ciidamadiisa ku galeen dalka Syria.

Kulankooda kadib ayaa bayaan ay soo saareen waxaa ay ku cambaareeyeen weerarkaas,hayeeshee waxaa diiday saxiixa bayaankaas dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Bayaanka dalalka Carbeed ayaa waxa ay ku sheegen in faragelinta turkiga ee dalka Syria uu Qatar dhinaca amniga ah ku yahay wadamada Carbeed maadaama Syria ay dalalka Carbeed kamid tahay.

Guddoomiyaha wadamada Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in weerarka ciidamada turkiga ku galeen Syria uu yahay faragelin qaawan oo ay kusoo qaadeen dalalka Carbeed.

Ciidamada dowladda turkiga ayaa dhawaan bilaabey howlgal ka dhan ah Ciidamada Kurdish-ka ee ay ugu yeereen argagixisada,waxaana tallaaandaaasi cambaareeyey dowlado badan oo Caalamka ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Salaadiinta Iyo Qurbajoogta Beelaha Habar Jeclo Oo Shir KuYeeshay Uk Iyo Qodobada Laga Soo Saaray Shirkaasi

Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Magaalada Nairobi Kagaga Qayb Galaya Shir Caalami Ah Iyo Waxyaabaha Shirkaasi Lagaga Hadlayo

Bnnstaff

Haayada Wadaniga Ah Ee AYODA Oo Barnaamijyo Wacyi Gali Ah Ka Fulisay Magaalooyinka Borama Iyo Wajaale

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy