Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeele Oo War Ka Soo Saaray Dilkii Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga G Shabeelaha Dhexe

-

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh/Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam gacmeed lagu weeraray hoygooda Jowhar.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ku galado.

Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Maamulka iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana la soo taago dadkii ka dambeeyay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan Al-Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Taagan Wasiirka Ciyaaraha Somaliya Iyo Gudoomiye Cumar Finish Iyo Xil Ka Qaadis La Iskugu Hanjabay

Bnnstaff

Jaamac Shabeel ” MUUSE CAADI MAAHA”

Mustafehaji

Qaramada Midoobay Gargaar Gaadhsiisay Shacabka Ay Fatahaaduhu Saameeyeen Ee Magaalada Baladwayn

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy