Madaxwayne Farmaajo Bulshada Somaliyeed La Wadaagay Fariin U Saabsan Xasuuqii Qaraxii Soobe Ee 14kii Octobar

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Fariin ku aadan Maalinta 14-ka Octoobar , Wuxuuna yidhi.

“14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol Maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah.

Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu.

Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool.

Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan.”\

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khasaaraha Dagaal Alshabaab iyo Ciidamadda Puntland ku Dhex Maray Deegaanka Af Urur ee Gobolka bari

Mustafehaji

Tvga HCtv Oo Xukuumada Biixi Xayirtay Iyo Xabsiga Oo Loo Taxaabay Tafatirihii Guud

Mustafehaji

”Muuse Inta Uu Sharciga Ka Maqanyahay Madaxwayne Dhihimayno”Banaan Bax Ka Dhacay Burco

mustafe haji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy