Dagaal Culus Oo Ciidamada Xooga Dalka Iyo Alshabaab Ku Dhex Maray Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

Wararka laga helayo deegaano hoostaga degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Ciidamada dowladda iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Fariisin Ciidamada Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaan u dhow degmada xudur,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo ku dhowr saacad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho inay maqlayeen dhawaqa hubka kala duwan oo ay is weeydaar sanayeen labada dhinac,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Goobta lagu dagaalamay oo u dhow tuulada Abal ayaa waxaa ku sugan maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Roobow oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaag yimid dhinaca Al-Shabaab,hayeeshee ma shaacin khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas.

Si kastaba wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaankii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo kala duwan.

Xafiiska wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Faroole Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Farmaajo iyo Khayre

Mustafehaji

Sarakiishii Ciidankii Ka Wereegay Somaliland ee Ceelbuh oo Ka Jawaabay Hadalkii W/Cadaalada Somaliland

Mustafehaji

DEG DEG : Heshiis laga Gaadhay Xiisadii ka Taagneyd Boosaso .MAXAA SE LAGU HESHIIYAY?

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy