Madaxwaynihii Hore Dalka Koonfur Africa Maxkamad La Soo Taagayo Iyo Waxyaabaha Lagu Haysto

Markii ugu horreysay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago,iyadoo loo heysto in ka badan 16-kiis oo dacwo ah oo ay ku jiraan arimo musuqmaasuq ah iyo wax isdaba marin.

Zuma waxaa ka mid ah eedeeymaha loo jeediyay qaadashada lacago laaluush ah o uu ka helay qandaraas gaaraya 3.5 bilyan oo dhexmaray dowladda K/Afrika iyo shan shirkadood oo reer Yurub ah,kuwaa oo ka ganacsada iibinta diyaaradaha ,doomanka loo isticmaalo ilaalada iyo qalab mileteri.
Kadib dhowr isku day oo uu ku doonaayey Zuma in lagu joojiyo dacwadaha loo heysto , ayaa waxaa maanta la horkeeni doonaa maxkamada sare ee dalka K/Afrika,isagoo ku eedeysan sida la sheegay kasbashada afar milyan oo Rand ($ 270,000

Xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) ayaa ku qasbay in uu iska casilo jagada madaxweynenimada sanadkii la soo dhaafay kadib sagaal sano oo uu xukunka hayey,

Isbuucii la soo dhaafay ayeey aheyd in uu horyimaado maxkamad,sidaa daraadeed, Sarkaal maxkamadeed ayaa saadaaliyay in bilowga howsha maxkamadeyta ay u badnaan doonto rafcaan ka qaadashado la xiriirta go-aanada maxkamadda

Related posts

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Jabuuti Ka Xaal Mariyay Caydii Faysal Cali Waraabe

Mustafehaji

Rag Lagu Soo Eedeeyay Alshabaab Oo Fulinjiray Dilal Qorshaysan Oo Maanta Maxkamada La Soo Taagay

Bnnstaff

Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiiro Ka Socda Midawga Yurub Oo Hargaysa Soo Gaadhay Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy