Maamulka Puntland Oo Shaaciyay Maraakiib Si Sharci Daro Ah Uga Kaluumaysaysay Xeebaha Maamulkaasi

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisay Maraakiib shisheeye oo ay sheegeen inay si sharci-darro ah uga kalluumeystaan Xeebaha Maamulkaas.

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash Beeldaaje oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay tirada Maraakiibtaas iyo dalalka laga leeyahay.

Waxaa uu sheegay Wasiirka inay maraakiibtaan yihiin kuwo ku caan baxay kaluumeysiga sharci-darrada iyo gurashada kheyraadka ku jira Xeebaha Maamulka Puntland.

Ilaa 18 Markab ayuu sheegay oo laga leeyahay wadamada Iiraan, Hindiya iyo Pakistaan inay yihiin kuwa kalluumeysta,isla markaana ay dacwad ka gudbiyeen sidoo kalena ay Ciidamo u direen Xeebaha Puntland.

Baaritaano ayuu sheegay inay ku hayaan Shirkado kale iyo Maraakiib Shisheeye oo aan shatiyo ka heysan Wasaaradiisa,isla markaana kamid ah kuwa sida sharci-darrada ah u kalluumeysta.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Khyre Oo Kormeer Ku Tegay Dhismaha Tiyaatarka Qaranka Oo Gabogabo Ku Dhaw + SAWIRO

Bnnstaff

Deg Deg :- Madaxdhaqmeedka Beelaha Maxamed Case Oo Iclaamiyay Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland Fariin Culusna U Diray Saylici

Bnnstaff

Afhayeenka Beelaha Daarood Oo Si Kulul U Karbaashay Madaxwayne Deni Fariina U Diray Dawlada Fadaraalka Somaliya

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy