Taliyaha Booliska Somaliya Oo Xilka Qaadis Iyo Isku Shaandhayn Sameeyay Iyo Taliyeyaal Cusub Oo La Magacaabay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa isku shaadheyn ku sameeyay qaar kamid Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska,isagoo kuwo kalena xilkii ka qaaday.

Taliyaha Booliska ayaa Magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Waliyow Cadde,Taliyaha Saldhiga Degmada dharkeenley iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Booliska iyo taliyeyaal kale.

Sidoo kale Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

1-Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar (Mahad Korow) ayaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Waliyow Cadde.

2-Cabdullaahi Mire Siyaad ayaa loo magacaabay La-taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagol horey u ahaa Taliyaha qeybta Waliyow Cadde.

3-Taliyaha Birmadka Ciidamada Booliska ayaa loo magacaabay Yuusuf Xundubey oo hore u ahaa Taliyaha Saldhiga Galbeed ee G/Banaadir.

4-Yaasiin Nuur Kheyre ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Degamada Dharkeenley.

5-Gaashaanle Sare Cabdullaahi Mire Siyaad ayaa loo magacaabay Taliyaha Daraawiishta Booliska.

6-Aadan Xersi ayaa loo magacaabay Taliyaha socdaalka Ciidamada Booliska.

Related posts

“Ramaax Waa Indhoole Ma Laqanyoodo” Suldaanka Gaadiidlayda Ukala Koosha Jubuuti Iyo Somaliland

Bnnstaff

Barlamaanka Puntland Oo Ansixiyey Guddiga Doorashooyinka Puntland Iyo Gudoomiyaha Cusub Oo Hadlay

Mustafehaji

Madax Dhaqmeed Ka Soo Jeeda Gobolka Togdheer Oo War Ka Soo Saaray Colaada Deeganada Ceel Afwayn

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy