Waft Ka Socda Dawlad Fadaraalka Somaliya Oo Ku Waajahan Magaalada Dhuusamareeb Iyo Ujeedada Socdaalka Waftigaasi

Gelinka hore ee Maanta oo Jimce ah ayaa la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,kuwaas oo maalma ka hor uu safarkooda ka baaqday.

Maalmahan ayaa waxaa wada-hadallo hoose ay u socdeen dowladda Federaalka & hoggaanka Ahlusunna oo diidanaa Guddigii farsamada & dhismaha Galmudug ee Wasaaraddu Magacaawday.

Maalinta Berito ah oo sabti ah ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Wufuuda ka socota Dowladda Federaalka ayaa markii ay tagaan Dhuusamareeb waxaa ay Ahlusunna la meel dhigi doonaan xal u raadinta khilaafka taagan ee ka dhashay Ahlusunna oo diiday Guddiga dhismaha Galmudug oo ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Magacaawday.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan ku mashquulsan xal u helida tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusunna si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay,isla markaana la doorto hoggaanka Maamulka Galmudug.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

BORAMA: Cabdiraxmaan Saylici oo ka Hadlay Xaalada Gobolka Awdal

Mustafehaji

Balaadhinta Dekada Kaluumaysiga Berbera Iyo Dareenka Kaluumaysata

Mustafehaji

Xukuumada Madaxwayne Biixi Oo Shaacisay Waftiga Ay U Dirayso Caleema Saarka Madaxwayne Biixi

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy