Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo Gaadhay Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goordhow waxaa ay gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyada oo siweyn halkaasi logu soo dhaweeyey.

Wafdiga Wasiirka oo Maalmahaan la hadal haayey inay tagayaan Dhuusamareeb ayaa waxaa la filayaa inay Ahlusunna kala hadlaan tabashada ay ka qabto Guddiga Wasaaraddu u Magacaawdey Doorashooyinka Galmudug .

Maalinta Berito ah oo sabti ah ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan ku mashquulsan xal u helida tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusunna si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay,isla markaana la doorto hoggaanka Maamulka Galmudug.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Ka Warbixiyay Kulan Uu La Qaatay Safiirada Midawga Yurub Iyo Diidmada Xisbigiisa Ee Gudiga Koomishanka Doorashada

Bnnstaff

Ku Dhawaad 40 Ruux Oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Dalka Burkino Faso Iyo Masuuliyiin Ka Hadlay

Bnnstaff

DJIBOUTI: Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Sacad Cumar Geelle Iyo Madaxda Somalia iyo Somaliland Oo Ka Qeybgalay ..

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy