Xiisad Colaadeed Oo Saaka Ka Taagan Deegaano Ka Tirsan Degmada Balanbale Ee Gobolka Galgaduud

Xiisadaan dagaal ayaa saaka waxaa ay ka taagan tahay deegaanka Jiicle oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo dadka ku nool ay sheegayaan inay casbi muujinayaan.

Xiisadaan ayaa daba socota kadib markii Khamiistii shalay gelinkii dambe deegaankaas lagu dilay Ruux oo la sheegay inuu ahaa Xoolo Dhaqato.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaas uu la xiriiro aanooyin qabiil,isla markaana xiisad u dhaxeysa maleeshiyaad kasoo kala jeeda kuwa wax dilay iyo kan la dilay ay saakay ka taagan tahay dulkeedka Balanbale.

Maamulka degmada Balanballe iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin dilkii ka dhacay degmada Balanballe,hayeeshee waxaa la filayaa inay halkaasi tagaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaan qeybta 21aad.

Dhawaan ayay aheyd markii hehsiis la kala dhex-dhigey maleeshiyaadka beelo ku dagaalamay duleedka Balanbale,kuwaas oo kasoo kala jeeda guriceel iyo Balanbale,balse ay u muuqato inay dib u soo laabaneyso.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Midowga Yurub Kama Codsan Doono Muddo Kororsi Ku Saabsan Brixit-ka” Boris Johnson

Bnnstaff

Waraysi Xiiso Lah :- Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Hadlay Siyaasada Arimaha Dibada Somaliya

Mustafehaji

Ururka ONLF Oo Doortay Gudoomiye Cusub Iyo Magaca Masuulka Loo Doortay Hogaanka ONLF

Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy